Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaar ka mid ah jidadka Muqdisho oo la xiray xili lagu guda jiro Maalinta labaad ee ciida

Ciidanka dowlada ayaa saaka xiray qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, xili lagu guda jiro maalinta labaad ee ciidul adxaa.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Maanaboliyo, afarta jardiino, Isgoyska Jubba iyo kuwo kale oo ku yaalla woqooyiga Muqdisho.

Ciidamada ayaa wadooyinkan ka celinaya dhamaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xitaa masuuliyiinta u shaqeeya dowladda.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka ayaa   sheegay inaanay garaneyn sababta wadooyinka loo xiray, balse amarkan uu ka soo baxay Taliyeyaashooda.

Talaabadan ayaa waxay caqabad ku noqoneysaa shacabka magaalada Muqdisho oo maalintii labaad u dabaaldegaya munaasabada Ciidul Adxaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhaqaaqay talaabo Muran badan dhalisay

Cabdi Cade

Dufcadii 6aad oo ka qelin jebisey taqasuska Caafimaadka Bulshada ee Jaamacadda Benadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Tirada dadka uu Coronavirus ku dilay Talyaaniga oo ka sare martay Shiinaha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---