Wararkii ugu dambeeyey dagaalo culus oo ka dhacay Magaalada Marko

Dagaalo culus ayaa la soo sheegayaa iney xalay ka dhaceen degaano ku yaalla duleedka magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose kuwaasoo dhexmaray ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaaladan ay bilowdeen markii ciidamada dowlada ay bilaabeen howlgal ay kula wareegayaan wadada xeebta marta ee isku xirta Marko iyo Xamar.

Xoogag taabacsan al-shabaab ayaa la soo sheegayaa iney iska caabin kala hortageen ciidamada xoogga dalka, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobaha la isku fara saaray ayaa waxaa ka mid ah degaan ka Jilib Marko, iyadoo ciidamada dowladu isku dayayaan iney al-shabaab ka saaraan wadada xeebta marta ee isku xirta Marko iyo Xamar.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu markii dambe ku soo fiday gudaha magaalada Marko, Waxaana dagaaladu xoogoodu ka dhaceen agagaarka saldhiga booliska Marko iyo kawaanka Malaayga.

Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa guulo ka sheegtay dagaalkan iyagoo sheegaya iney dileen tiro ka mid ah Al-shabaab qaar kalena maxaabiis ahaan uga qabsadeen.

Boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ku hubeysan afartameeyo gaadiidka dagaalka ah ayaa maalmo ka hor gaaray magaalada Marko, Waxaana hogaaminaya abaanduullihii xilka laga qaaday Jen. Caanood

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -