Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Itoobiya oo amar ku bixisay in xabsiga la dhigo Taliyihii hore ee Sirdoonka

Dowladda Itoobiya ayaa waxay warqad lagu soo xirayo u jartay Madaxii hore ee sirdoonka dalkaas Getachew assefa.

Ninkan ayaan ku jirin kulankii Xisbiga talada haya ee EPRDF, waxaa sidoo kale la sheegayaa in muddo bil ah aan bartiisa la arag.

Warbaahinta Itoobiya qaarkood ayaa qoray Getachew assefa inuu u baxsaday dhinaca dalka Suudaan, isagoo muddo ku sugnaa gobolka Tigray ee uu ka soo jeedo.

Bilo ka hor ayaa la sheegayaa in qoyskiisa uu dibadda u dirsaday isaguna hadda ka baxsaday Dalka Itoobiya.

Dembiyada loo heysto waxaa ka mid ah xarig sharci daro ah, jirdil, dil toos ah iyo ku tumashada awoodda iyo meel ka dhaca xuquuqda aadanaha.

Ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa markii la magacaabay waxaa uu xilalka ka qaaday taliyeyaal ciidan oo ku jiray taliyihii sirdoonka Getachew assefa, isagoo ku bedelay taliyeyaal cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo ka hadlay go’aankii ka soo baxay Guddiga Doorashada ee Heer Federaal

Caydiid Ali

Nin lagu helay inuu u gefay Nebi Max’ed NNKH oo xukun dil ah lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali

Joseph Ntakirutimana iyo xubno la socday oo la maamuusay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---