Booliiska oo Muqdisho ku qabtay Askari hubeesan oo dhibaato ku hayay Shacabka

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay nin hubeesan oo xirnaa dareeska ciidanka milatariga Soomaaliya ,kaa oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesanayay dad shacab ah.

Ninkan booliiska xireen oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Xasan Maxamuud ayaa xirnaa dareeska ciidanka milatariga xilliga la qabanayay , waxaana ninkan uu ku hubeesnaa qoray nuuciisa yahay AK-47.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ninkan burcadka ah sharciga la horgeyn doono, waxa ayna shacabka caasimadda ugu baaqeen in ay kusoo wargaliyaan kooxaha burcada ah ay arkaan.

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo ka wada magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada siyaabo kala duwan gacanta ugu dhigeen kooxo burcad hubeesan oo dadka dhibaato ku hayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -