Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Dowladda Mareykanka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya magaalada Muqdisho Larry Andre.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, horumarinta dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo xoojinta taageerada dhinacyada badan ee dowladda Mareykanku ay siiso Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku ammaanay dowladda Mareykanka garab istaaga ay u muujiyeen Soomaaliya, waxa uuna uga mahadceliyya dowladda Mareykanka taageerada ay siiso ciidamada qalabka sida .

Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa la filayaa in dhawwaan xafiiska baneeyo, waxaana madaxweynaha Mareykanka dhawwaan soo magacaabay safiir cusub oo danjirahan xafiiska kala wareegaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Shacabka oo la horgeeyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2025

Cabdi Cade

Gen Indha Qarshe oo dhaliilay Hogaanka Saadka ee Ciidanka Milatariga (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Galmudug oo ka jawaabtay hadal ay shalay soo saareen Xildhibaanada Golaha shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---