Madaxweynihii DDSI oo lagu baaqay in Maxkamad lasoo taago

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa ku baaqday in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo tacadiyadii  uu geestay maamulkii uu hogaaminayay Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Human Rights Watch ayaa ugu baaqday Dawladda Itoobiya  in ay samayso baaritaan madax bannaan  oo ku aadan tacadiyadii aadanaha iyo meel ka dhacyadii xeerarka dagaalka ee sannadaha badan ka socotay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ayaa looga dalbaday dowlada Itoobiya in aan la isku qaban dhamaan tacadiyadii ka dhacay dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya loona kala qaado hal hal.

Hay’ada ayaa si gaar ah u xustay magacyada madaxweynihii hore ee DDSI  Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo Taliyaha ciidammada Liyuu Booliiska Cabdiraxmaan Cabdullaahi Buraale oo lagu eedeenayo in iyagu ka dambeeyeen tacadiyo badan oo dhacay.

Maria Burnett oo ah madaxa Bariga iyo Geeska Afrika ee hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in dawladda Itoobiya looga fadhiyo in ay caddaalad u samayso tacaddiyadii darnaa deegaanka Soomaalida ka socday tobanka sano.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa dhawaan soo bandhigtay tacadiyo fool xun oo ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan xabsiga lagu magacaabo Jeel Ogaadeen.

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhawaan xilka iska casilay kadib rabshado xoogan oo ka dhacay magaalada Jigjiga, waxaana laga cabsi qabaa in Cabdi Maxamed Cumar lagu soo oogo dambiyo badan uu horey u geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -