Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamo uu hogaaminayo Abaanduulihii xilka laga qaaday oo gaaray Magaalada Marko

Saaka aroornimadii ayaa ciidamo fara badan oo uu wato abaanduulihii xilka laga qaaday Jen. C/llaahi Cali Caanood waxay gaareen magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/hoose.

Ciidamadan oo wata gaadiid dagaal oo gaaraya illaa afartameeyo ayaa ka yimid dhinaca degaanka Shalambood oo ay habeen hore ku hoydeen ka dib markii ay Jimcihii ka dhaqaaqeen degmada Afgooye.

Dadka degaanka qaarkood ayaa sheegaya in saaka aroornimadii ay maqleen rasaas gos goos ah oo ka dhaceysa duleedka magaalada wax yar ka dib ay indhaha ka qaadeen gaadiid dagaal oo gudaha soo buuxiyey.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada la socda Jen. Caanood ayaa iyana waxay sheegeen inay saacadaha soo socda howlgallo ka fulin doonaan xaafadaha Magaalada Marko.

Illaa hadda ma cadda ujeedada ciidamada faraha badan ee uu wato Jen. Caanood ugu ambabaxeen qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose, iyadoo saraakiisha ciidamadu ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan arimahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Amniga oo Awaamiir kasoo saartay heesashada hubka sharci darrada ah

Cabdi Cade

Xiisad dagaal oo ka taagan Buqdharkeyn iyo gurmadyo ciidan oo halkaasi gaaray

Cabdi Cade

Sidee maanta Itoobiya ula dhaqantay wafdiga Madaxweyne Xassan Shiikh?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---