Qalab casri ah oo lagu kordhiyay xarunta CID & Kheyre oo xariga ka jaray (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay xarigga ka jaray xarunta dembi baarista ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID oo dayactir lagu sameeyey.

Xarunta hoggaanka Baarista dembiyada ee CID ayaa lagu dayactiray barnaamijka isxilqaan oo ah mid lagu dhisayo xaruumaha Dowladda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kormeer ku sameeyey guud ahaan qeybaha ay ka kooban tahay xarunta sida qaybaha ay yaalaan qalabka lagu baaro Fal dembiyeedyada, kuwa lagu ogaado nuucyada qaraxyada oo casri ah iyo 6 Gaadiid ah oo cusub oo uu leeyahay hoggaanka CID.

Wasiirka Amniga Qaranka  ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Abuukar islow (Ducaale) ayaa tilmaamay inay wax lagu faano tahay in  ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay noqdaan  hormuudka barnamijka isxilqaan.

Munaasabada kooban oo loogu mahadceliyey taliska Booliska Soomaaliyeed oo xarunta CID ku dayac tiray barnaamijka isxilqaan waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda sare  ee dalka, Wasiiro uu ka mid yahay wasiirka Amniga, xildhibaano, guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo sarakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida, Taliyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta, waxaana dhamaan mas’uuliyiintii ka qeybgashey ay ku ammaaneen hoggaanka CID sida uu isugu xilqaamay dhismaha xaruntaasi.

Baashi Yuusuf Axmed Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka ayaa dhankiisa booliska Soomaaliyed ugu hambalyeeyey doorkooda dhismaha dalka, gaar ahaan  dayactirka xaruuntan, wuxuuna xusay in dhismaha xaruntani ay ka qayb qaadanayso tayada hoggaanka CID oo tiir muhiim u ah garsoorka iyo Cadaaladda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -