Xubno ka tirsana Al-shabaab oo isku dhiibay ciidanka darawiishta Galmudug (Sawirro)

Xubno la sheegay iney ka soo goosteen kooxda Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka daraawiishta Galmudug

Bishaar Shardi Maxamed iyo Yuusuf Suleymaan Abuukar oo muddo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidanka daraawiishta Galmudug ee ku sugan aagga magaalada Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug sida ay baahisay warbaahinta DF.

Saraakiisha ciidamada Galmudug ayaa sheegay iney si wanaagsan u soo dhoweeyeen Labada nin ee dhalinyarada ah oo markii hore xiriir la soo sameeyey ciidamada.

Waxaa mudooyinkan aad u soo badanayey xubnaha ka tirsanaa Al-shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowlada iyo ee ku sugan gobolada dhexe.

Al-shabaab ayaa dagaalo ka dhashay kacdoon dadweyne oo taageero ka helay ciidamada DF waxay ku waayeen inta badan degaanadii ay ka joogeen gobolada dhexe ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -