Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Qatar oo la sheegay in Hargeysa lagu xiray

Warbaahinta Somaliland qaarkood ayaa baahiyay war ku aadan in 15-kii bishan Hotel kuyaala magaalada Hargeysa laga soo xiray Safiirkii hore ee dowlada Soomaaliya u fadhiyay dalka Qatar Cumar Cali Idris.

Maamulka Somaliland ayaa wali si rasmi ah uga hadlin xarigan la sheegay in magaalada Hargeysa loogu geestay Cumar Cali Idris oo sanado badan ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay Qatar bilooyin kahorna xilkaasi laga qaaday.

Warbaahinta Somaliland ayaa ku waramay in sababta Diblumaasigan loogu xiray magaalada Hargaysa ay tahay in Xukuumada Somaliland ka shakisay in uu ka shaqeenayay la xumeeyo xiriirka wanaagsan ee Somaliland la leedahay Imaraadka.

Ma jiro ilo ka baxsan Warbaahinta Somaliland oo xaqiijiyay xariga magaalada Hargeysa loogu geestay  Safiirkii hore ee dowlada Soomaaliya u fadhiyay dalka Qatar Cumar Cali Idris.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -