Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland oo soo saartay digniin culus (Akhriso)

Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland ayaa soo saartay digniin la xiriirta weeraro ku soo wajahan goobaha ay ku badan yihiin shacabka

Qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in kooxda Al-shabaab ay qorsheyneyso bishan Ramadaan iney weeraro ka fuliso goobahaa ay bulshadu ku badan tahay.

“Ayadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan oo ah xiliyada ay kooxda khawaariijta beegsadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan waxaa qeybaha ciidamada la farayaa iney ka feejinaadaan isla markana ka hortagaan dhagarta kooxda khawaariijta ah si  bulshada ay u hesho xasilooni Amni” ayaa lagu tiri yiri qoraalka Wasaarada.

Sidoo kale, Wasaarada ayaa soo dhoweysay Howlgalada Qorsheysan ee dalka lagaga ciribtirayo Al-shabaab.

“Dhamaan laamaha amniga jubbaland, ciidanka xooga dalka somaaliyeed, iyo Saxibada howlgalka ATMIS waxaan ku dhiiri galinayaa Howlgalada Qorsheysan ee dalka lagaga ciribtirayo kooxda khawaariijta ah ee banestay Daadinta dhiiga shacabka Somaaliyeed” ayaa lagu soo geagebeeyey qoraalka Wasaarada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -