Allbanaadir.com
NEWS

Safiirka Itoobiya oo dhambaal soo gaarsiiyay Guddoomiye Aadan Madoobe (Sawirro)

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Aadan Mohamed Nur Madobe ayaaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb Mukhtaar Maxamed Waare.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Danjire Waare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, isagoona ka gudoomay dhambaal saalaan ah uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka Itoobiya, waxaana uu sheegay in la adkeeyo xiriirka iyo wadashaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka, isagoona xusay in labada dal ay kawada shaqeeyaan dhinacyada horumarka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka kooxda Khawaarijta Al Shabaab.

Dowladda Itoobiya ayaa safiir cusub usoo magacawday Soomaaliya, safiirka cusub ayaana hadda ka shaqeenaya sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka dowladda Itoobiya la leedahay Soomaaliya gaar ahaan madaxda hoggaamisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiilal Walaalo ah oo si arxan darro ah u dilay nin Hooyadood xiriir jaceyl kala dhaxeeyay

Cabdi Cade

Xarun ay laheyd Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo mar kale la gubay

Cabdi Cade

Ciidamada xoogga & kuwa Galmudug oo degaano hor leh kala wareegay Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---