Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Afrika oo War kasoo saaray rabshadaha iyo xiisada Siyaasadeed ee Kenya ka taagan

Midowga Afrika ayaa ka hadlay dibad baxyada rabshadaha watay ee ka dhacay dalka Kenya, kuwaa oo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo sidoo kale boob loo geestay beerta madaxweynihii hore ee Kenya.

Qoraal uu soo saaray gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayuu ku baaqay in xaalada la dejiyo, waxa uuna ku booriyay madaxda dowladda Kenya iyo kuwa mucaaradka in ay wada hadlaan.

“Gudoomiyuhu waxa uu ku celinayaa wada shaqaynta iyo garab istaaga dawlada iyo shacabka Kenya dadaalka ay ugu jiraan ka shaqaynta midnimada qaranka, nabadda iyo xasiloonida dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Midowga Afrika.

Qoraalka kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in qaabkii ay doorashadu u dhacday sannadkii hore ay ku soo dhamaatay si guul ah, islamarkaana natiijada ay xaqiijisay maxkamada sare ee dalka.

Dibad baxyada rabshadaha wata ee ka dhacay dalka Kenya ayaa sababay dhimashada saddex qof iyo dhaawacyada dad kale oo badan, hoggaamiyaha mucaaradka Kenya ayaana sheegay in dowladda dibad baxyadii ay ku baaqeen rabshado u bedeleen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka NISA oo qabtay dad badan oo Al Shabaab ku biiri rabay iyo gaari ay wateen

Cabdi Cade

Maxaa ka baran karnaa Qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay Isgoyska Ex Kontrool Afgooye!!

admin

Shirkii Guddiga Farsamada xal u helidda khilaafka Doorashada oo Baydhabo ka furmay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---