Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Abshir Axmed Macalin oo isku soo dhiibay Qeybta 60-aad ee Xoogga dalka (Sawirro)

Xubin Al-Shabaab ka tirsanaa ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada qeybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgalla degaannada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Abshir Axmed Macalin ayaa ka tirsanaa qeybta ay Al-Shabaab ugu yeerto Jabhadaha, wuxuuna sheegay inuu ka soo dagaalamay qeybo kamid ah gobolka Bay oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Waxaa uu sheegay inuu u dul-qaadan waayey dhibaatada gudaha keymaha ku heysata Al-Shabaab iyo dhibaato uu sheegay iney ku hayaan shacabka aan waxaba galabsan

Wuxuu raggii kala tirsanaa Al-shabaab ugu baaqay inay isaga soo tagaan, isagoo xusay in si wanaagsan loo soo dhoweeyey isla markaana loo balan-qaaday daryeel wanaagsan iyo dhaqan celin inuu heli doono.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Dhure Yuusuf Garow oo magaciisa Afgarashada Al-shabaab uu ahaa (Hilaal) ayaa isku soo dhiibey isla Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qeybta 60aad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibadbaxayaal watay Calanka dowladda Ruushka oo xabsi la dhigay

Cabdi Cade

Xildhibaan ku geeriyooday Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose

Caydiid Ali

Muxuu Wasiir Fartaag kala hadlay saraakiisha Booliska Ciraaq?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---