Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Ciidan oo lagu dilay Garawe iyo Ninkii dilay oo gacanta lagu dhigay

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay laba xiddigle Axmed Cali Shire oo ahaa taliyihii saldhiga galbeed ee caasimadda Garoowe.

Nin hubeesan oo la sheegay in uu isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya gaar ahaan khamriga ayaa la sheegay in uu toogtay taliyahan katirsanaa ciidanka booliiska maamulka Puntland.

Ciidamo katirsan booliiska Puntland oo ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan ninkan dilka geestay, waxaana gacankudhiiglaha lagu xiray saldhig kuyaalla Garawe.

Saraakiil katirsan ciidamada booliiska maamulka Puntland ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan dilka loo geestay taliyaha iyo waxa sababay, waxa ayna sheegeen in sharciga la horgeyn doono ninka dilka geestay.

Magaalada Garawe ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay raga isticmaala waxyaabaha maanka dooriya gaar ahaan khamriga, waxaana marar badan dhacay iku dhacyo u dhaxeeyay dad cabsan iyo ciidamada ammaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Somalia & Kenya oo heshiis cusub ku kala saxiixday Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali

Labo kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo dalka ka maqan iyo Siyaasada ka dambeysa

Cabdi Cade

Nooc ka mid ah Shimbirta qoolleyda oo lacag waali ah lagu kala iibsaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---