Mashruuca Ramadaanka ee Hormuud Salaam Foundation oo manta la daah-furay (Sawirro)

Waxaa maanta lagu daah furay Magaalada Muqdisho, Mashruuca Afurinta  ee Bisha  Ramdaanka 2023 ee ay Hormuud Salaam Foundation ku caawiso sanad kasta qeybaha nugul ee bulshadeena,  Barjaamijkaan ayaa maanta lagu daahfurey Xarunta Dhimirka ee Dr Xabeeb ee Degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho, iyadoo Hormuud Salaam Foundation ay gaarsiisey xarunta raashin sida: 50 Loor oo Bariis ah, 50 Loor oo Bur ah, 50 Loor oo Sokor ah, 50 Katroon oo Timir ah iyo 30 jirgaan oo Saliid ah , taasoo aay ugu talo gashay in dadka ku jiraa xaruntaas la siiyo.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Abdullahi Nur Osman, oo meesha ka hadlay, ayaa ugu baaqay dhamaan dadka Soomaaliyeed, Dowlada iyo Ganacsatada ineey soo booqdaan Xarunta dadka dhimirka ka xauunsan ee Dr Xabeeb si ay xaalada ka jirtaa u arkaan, xarunta ayaa u baahan caawin ballaaran, sida in dadka xanuunsan ee meesha ku jiraa loogu helo gogol fiican, iyo dhar aay xirtaaan, sidoo kale waxaa loo baahan yahay, qeybaha dhismaha la hagaajiyo.

Maamulaha Xarunta Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Dr. Xabeeb)oo goobta ka hadlay, ayaa uga mahad celiyey Hormuud Salaam Foundation, kaalmada aay mar walbaa la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed ee ka xanuunsan dhimirka, waxaana uu u balan qaaday in raashinka loo keenay ay siin doonaan dadkaan loogu talo talagalay.

Dr Xabeeb ayaa sheegey in Xarunta aay hada  ku jiraan 180 qofood oo isugu jira rag iyo dumar , oo ka kala yimid gobolada kala duwan ee Somalia, iyadoo qaar ka mid ahna aay ka imaadeen dalka dibadiisa, inta badana dadkaan waxaa xanuunka u geystey maandooriyeyaal aay isticmaaleen Dr Xabeeb ayaa sheegey in ka mid ah dadkaa meesha ku jiraa aan lahaaynin ehelkooda oo aay ayaga xanaaneeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -