Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladaha Somalia & Kenya oo heshiis cusub ku kala saxiixday Nairobi (Sawirro)

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta heshiis cusub ku kala saxiixday magaalada Nairobi.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Federaalka Soomaliya Fardowso Cusmaan Cigaal aya maanta heshiis Caalami oo wadaag ah oo la xiriira Hawada iyo Duulista la gashay dhiggeeda wasiirka Gaadiidka Kenya Mudane Kipchumba Mukomen.

Heshiiskan ayaa u gogal-xaaraya in diyaaradaha wata astaanta Soomaaliya ee la diiwaangaliyey duulimaadyo ku tagi karaan Kenya, tan oo qeyb ka ah daadaalada ay wado wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kaas oo ku aaddan dhammaan diyaaradaha ka diiwaangashan Soomaaliya inay duulimaadyo caalami ah ka sameyn karaan.

Sidoo kale waxa uu heshiiskan xoojinayaa wada shaqaynta duulimaadka labada dal iyo aqoon isweydaarsi.

Munaasabadda heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa safiirka dalkeenna Soomaaliya ee Kenya Ambassador Tarsan iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Bashiir Macali cali Xasan.

Related posts

Soomaaliya Oo Ku Biirtay Suuqa Bariga Iyo Koofurta Afrika ee COMESA (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dadka u dhimanaya firuska dilaaga ah ee ka dilaacay Shiinaha sii kordhaya (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal xooggan oo ka socda Deegaan Yasooman iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade