Allbanaadir.com
NEWS

Labo kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo dalka ka maqan iyo Siyaasada ka dambeysa

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan inta badan Madaxda dowlad goboleedyada dalka kuwaa oo u yimid ka qeyb galka shirka la filayo in looga hadlo xal ka gaarida khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Madaxda maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa dalka ka maqan xili la filayo in Muqdisho shir ka furmo, waxaana labadan Madaxweyne la sheegay in arimo siyaasadeed iyo kuwa u gaar ah u joogaan dalka Turkiga.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay sheegaya in safarka Madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed ku joogaan dalka Turkiga ay salka ku heyso siyaasad iyo carqaladeynta shirka la filayo in uu ka dhaco Muqdisho.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya Farmaajo ayaa la sheegay in ka dambeeyo in labadan Madaxweyne u safraan Turkiga waqtina ku lumiyaan si meesha uga baxdo shirka ay beesha Caalamka garwadeynta ka tahay ee lagu wado in Xalane ka dhaco.

Labada Madaxweyne ee Qoor Qoor iyo Laftagareen ayaa sidoo kale iyaga oo Turkiga jooga shuruudo ku xiray ka qeyb galka shirka la filayo in uu ka dhaco xeendaabka xerada Xalane , waxa ayna ku baaqeen in shirkaasi ka dhaco Villa Somalia ama meel kale.

Muqdisho waxaa hada jooga Madaxda maamulada Hishabelle, Jubbaland iyo Puntland, kuwaa oo u yimid in ay ka qeyb galaan shirka la filayo in looga hadlo arimaha doorashada ee lagu muransan yahay.

Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in aysan raali ka aheyn in shirka ka dhaco Xeendaabka Xalane sidoo kale saameyn ku yeelatao beesha Caalamka, waxa ayna Villa Somalia fashilinta shirkaasi u adeegsaneysaa maamulada taabacsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo War kulul ka soo saartay qaraxii lagu riiqmay ee ka dhacay Peshawar

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada oo ansixiyey go’aanka ay Somalia ugu biirtay COMESA (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ogow, 6 Guul oo Madaxweyne Xasan Shekeh kala soo laaban doono Booqashada Imaaraadka

admin
Taboola Ads ---