Duqa Muqdisho oo Digniin u diray dadka sameeya Warqadaha Dhalashada ee Been abuurka ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa digniin adag u diray dadka sameeya warqadaha dhalashada ee been abuurka ah.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay yaraadeen dadka sameeya warqadaha dhalashada ee been abuurka ah, kaddib markii la xiray qaar kamid ah dadkii sameenayay, halka kuwa kalana uu sheegay in dalka isaga baxeen.

Waxa uu sheegay Yuusuf Madaale in dad badan loo sameeyay  warqadaha been abuurka ah dhibaato kala kulmeen markii ay tageen xarunta dambi baarista CID iyo xarunta hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha .

Yuusuf Madaale ayaa uga digay dadka sameeya warqadaha been abuurka ah, waxa uuna xusay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dadka sameeya warqadahan, isagoo sidoo kale dadka shacabka uga digay in ay raadiyaan warqadaha been abuurka ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in wax laga bedelay hadda warqadihii hore ee lagu daabici jiray dhalashada , waxa uuna xusay in hadda kaddib la sameenayo warqad cusub oo ka duwan tii hore kana tayo fiican sida uu tilmaamay.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in dadka doonaya in si deg deg ah loogu sameeyo warqada dhalashada bixin doonaan shan dollar oo dheeraad ah, waxa uuna uga digay shaqaalaha dad dhigista in lacag kale oo dheeraad ah dadka ka qaadaan.

Hadalka guddoomiyaha gobolka ayaa imaanaya xilli la sheegay in Muqdisho si been abuur ah loogu sameeyo warqada dhalashada ee laga doonto xarunta dad dhigista, waxaana warqadahan sameenayay kooxo heesta saxiixa guddoomiyaha gobolka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -