Siyaasi sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekhii la yaqaanay uusan joogin Madaxtooyada !

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in isbadal weyn ku yimid filashadii ay ka qabeyn madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna xusay in waji kale hadda lasoo baxay madaxweynaha.

Qoraal uu siyaasigan ku baahiyay bartiisa Facebooka ayuu ku sheegay in aysan arkin waayadan maadxweyne Xasan Sheekhii ay yaqaaneen, waxa uuna xusay in Xasan Sheekh uusan hadda joogin Villa Soomaaliya laguna hayo Imaaraadka , isagoo tilmaamay in madaxtooyada joogo mid kale oo u eg.

Halkan ka akhriso Qoraalka uu arrintan uga hadlay Siyaasi Cali Cosoble

Madaxweyne Xasan Sh Maxamudkii aan aqiinay ee ay Soomaali dooratay ma arko, qof u eg balse aan aheyn Xasan Sh Maxamudkii runta ahaa ayaa hadda dhex fadhiya Villa Somalia.

Xasan Sh Maxamuud kaan aqiinay wuxuu ahaa Xasan waddani ah, Xasan nabadoon ah, Xasan beelaha Soomaaliyeed u caddaalad fala, Xasan ka foojigan danaha shisheeyaha, Xasan aan oggoleyn in kheyraadka dalka la boobo, Xasan eysan ka suurta gelin inuu dalka bohol ku rido, Xasan dhageysta talooyinka xildhibaannada iyo wax walba ee laga fisho madaxweyne dadkiisa iyo dalkiisa u damqanaya.

Madaxweynahaan dooranay ee Xasan Sh Maxamud ahaa waa nalaga xaday, waxaana lagu sameeyay waxa la yiraahdo “cloning” oo ah koobi lagu sameeyo dadka, xoolaha, dhirta iyo xasharaadka.

Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud ma fadhiyo Villa Somalia ee waxaa lagu haayaa Imaaraadka, Villa Somaliyana waxaa fadhiya mid u eg balse aan aheyn madaxweynaheenii dhabta ahaa.

Inteysan Soomaaliya ku dhicin bohol aan dib looga soo saari karin oo eysan talo gacmaheena ka bixin, Soomaaliyey aan Imaaraadka ka doonno madaxweynaheenii originaalka ahaa, koobigoodana u celino.

Ogaada koobiga ayaa raba inuu bixiyo kalluunka, shidaalka, dekedaha iyo kheyraadka dalka oo dhan, laakin kan originalka ah waxaa ma oggola, lagumana soo hadal qaadi karo.

Koobi original ma noqdo.

Haddaad maanta igu tala diidaan maalin ay xeero iyo fandhal kala dhaceen ayaad ii markhaati furi doontaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -