Baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug oo maanta yeelanaya Gudoon KMG ah

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Maamulka Galmudug kulankii ugu horeeyay ku yeeshaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo shalay la dhaariyay.

Xidhibaanada ayaa kulankooda ugu horeeya ika dhax xulan dooba Hogaan KMG ah inta laga soo dooranayo Gudoonka Baarlamaanka, waxaana Baarlamaanka Gudoomiye usii noqon doona ninka ugu da’da weyn.

Amaanka xarunta ay ku shirayaan Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaa sidoo kale qeybo badan oo kamid ah magaalada la dhigay ciidamo amaanka xaqiijiya.

Baarlamaanka cusub uu yeeshay maamulka Galmudug ayaa la filayaa in dhawaan magaalada Dhuusomareeb kusoo doortaan Gudoonka Baarlamaanka iyo sidoo kale Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

 

- Advertisement -