Wiilal Soomaali ah oo Toorey lagu dilay & Booliska London oo baaritaano wada (Daawo Sawirro)

Labo nin oo Soomaali ah ayaa saacadihii ugu dambeeyey siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada London ee wadanka Britain.

Dilka labada nin ayaa loo adeegsaday Toorey iyagoo marayey bartamaha magaaladda London sida boolisku sheegeen.

Wargeyska The Evening Standard ee ka soo baxa dalka Britain ayaa qoray in Soomaalida la dilay lagu kala magacaabi jirey  Osman Shidane oo 20-jir ah iyo C/raxmaan Jaamac oo 24-jir ah.

Qoyska uu ka baxay Osman Shidane ayaa sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaalka 3 maalin ka dib markii kooxo aan la aqoonin ay ku dhaawaceen meel ku dhow Dhismaha laga Dukaamaysto ee ku yaalla Ruislip.

Marxuumka ayaa ku dhashay dalka Denmark, wuxuuna magaalladda London ku noolaa muddo 15-sanno ah.

Dhinaca kale, Soomaali kale oo lagu magacaabi jirey C/raxmaan Juma oo 24-jir ah ayaa isna maydkiisa la helay, iyadoo ay dhaawacyo Toorey ku yaallaan.

Booliska ayaa sheegay iney wadaan baaritaano lagu ogaanayo cidii ka dambeysay dilka wiilashan, waxayna xuseen in falalkan ay noqon karaan kuwo salka ku haya burcadnimo ama jinsi naceyb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -