Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Nabadoon caan ah oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa galabta lagu dilay magaalada Muqdisho caasimada Somalia sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Nabadoon Muumin Cabdi Fiidow (Muumin Giriig) ayaa waxaa rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday xili uu ku sugnaa degmada Hodan.

Marxuumka ayaa isla goobta ku qurbaxay, iyadoo kooxihii dilayna la soo sheegayo iney ka baxsadeen goobta markiiba.

Waxaa uu ka mid ahaa cuqaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku noolaa caasimadda Soomaaliya, si gaar ah waxaa uu ka mid ahaa waxgaradka Gobolka Hiiraan.

Waxaa horay magaalada Muqdisho loogu dilay nabadoonno iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, tan iyo wixii ka dameeyay markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Ciidamada amaanka DF ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, waxayna halkaas ka sameeyeen baaritaano inkastoo aysan ku guuleysan soo qabashada raggii dilka geystay.

Laamaha amaanka iyo Maamulka degmada Hodan ayaan weli ka hadlin dilka nabadoonka oo aysan jirin cid sheegatay inkastoo dilalka noocan ah looga bartay Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -