Amaanka Hargeysa oo saaka la xoojiyey iyo Wufuud caalami ah oo ku qulquleysa

Munaasabadda Caleemo saarka iyo dhaarinta Madaxweynaha Somaliland ee la soo doortay 13-kii November ayaa maanta ka dhaceysa magaalada Hargeysa

Wufuud kala duwan oo ka kala imaanaysa beesha caalamka ayaa lagu casuumay xafladaas gaar ahaan wakiilo ka socda wadamada Africa, Europe iyo dalalka Carabta, waxaana Masuuliyiinta imaaneysa ka mid ah Safiiro, Xildhibaano iyo Wasiiro ka imaanaya wadamo dhawr ah.

Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya Madaxweynihii 5-aad ee ay Somaliland yeelato tan iyo 1991-kii markii Somaliland ku dhawaaqday gooni isku taaga, waana madaxweynihii 3-aad ee ay dadweynuhu u codeeyaan.

Amaanka guud ee Magaalada Hargeysa ayaa la adkeeyay waxaana wadooyinka lagu arkayaa Ciidamada Amaanka Somaaliland oo baaraya gaadiidka, iyadoo jidadka ku dhow xarunta madaxtooyada la xiray.

Axmed Siilaanyo oo xilka hayey muddo shan sano ah ayaa maanta xilka ku wareejinaya Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi oo hal xisbi ay ka soo wada jeedaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -