Madaxweynihii ugu faqiirsanaa Dunida oo iska diiday in uu qaato lacag guno ah (Daawo Sawirro)

Madaxweynihii hore ee dalka Uruguay José Mujica oo lagu tilmaamo in uu yahay Madaxweynihii ugu faqiirsanaa Caalamka ayaa iska diiday in uu qaato lacago guno ah uu siin lahaa aqalka sare ee dalkaasi.

José Mujica ayaa talaadadii lasoo dhaafay iska casilay xubanimada Aqalka sare , waxa uuna sheegay in uusan sii heyn karin mudo xileydkiisa oo ku eg 2020-ka, waxa uu sheegay in uu kusoo daalay shaqadii uu soo qabtay uuna go’aansaday in uu nasto.

Warqadda is casilaadiisa ayuu Mujica u gudbiyay guddoomiyaha Aqalka Sare Lucía Topolansky, oo sidoo kale ah madaxweyne ku xigeenka dalka, islamarkaasna ah xaaskiisa muddo 13 sano ah.

Ninkan caanka ka noqday Dunida ayaa sheegay in uusan u baahneyn in uu qaato lacagta gunada ah uu ka heli lahaa aqalka sare, waxa uu ku baaqay in lacagtaas uu qaadan lahaa dalka wax loogu qabto ama loogu deeqo dadka u baahan.

Madaxweynihii hore ee dalka Urugay ayaa intii uu xilka hayay waxa uu u diiday in uu ku noolaado qasriga Madaxtooyada, waxa uuna ninkan u noolaa si qof caadi ah isagoo degnaa gurigiisa caadiga ah waxa uuna wadan jiray gaari Volkswagen ah oo la sameeyay 1987-dii .

José Mujica ayaa horey deeq ahaan u bixin jiray mushaarkiisa, waxa ninkan lagu tilmaamay Madaxweynihii ugu daacadsanaa ee sanadihii ugu dambeeyay caalamka soo mara, waxa uuna ninkan jeclaa in si caadi ah u noolaado oo beeriisa fasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -