Allbanaadir.com
NEWS

Kulan Xasaasi ah oo u socda Farmaajo iyo Rooble iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Wararka aan ka heleyno xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in xiligan shir fool ka fool ah u socda Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Xil gaarsiinta Rooble.

Kulankan ayaa qabsoomidiisa waxaa ka shaqeeyay oo dhax dhaxaadin ka dhax waday Farmaajo iyo Rooble masuuliyiin uu hormuud u ahaa Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Muudey.

Sida aan xogta ku helnay kulankan ayaa looga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka soo kala dhax galay Farmaajo iyo Rooble ee ka dhashay shaqo joojintii Rooble ku sameeyay Fahad Yaasiin.

Farmaajo iyo Rooble waxaa kulanka ku wehliya xubno labadooda aad ugu dhaw dhaw, waxaaana wadahadlka socda lagu soo waramayaa in shuruudo ku xiran yihiin ayna suurto gal tahay in lagu kala kaco.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wararku sheegayaan in uu shuruud ku xiray aqabalida shaqo joojintii Fahad Yaasiin lagu sameeyay, waxa uuna Madaxweynaha shardi ka dhigay in meesha laga saaro kiiska Ikraan Tahliin wax daalac ahna loo raacan Fahad Yaasiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/KKWMQZb5NRU

Related posts

Taaliban oo soo saartay Go’aan ka farxiyay Masuuliyiintii iyo Shaqaalaha Dowlada Afganistan

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoorqoor oo warbixin xasaasi ah laga siiyey amniga Galmudug

Caydiid Ali

Ciidamo kala dhexgalay dagaal ka socday degaano ka tirsan gobolka Galgaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---