Qorshaha Ciidamada AMISOM uga baxayaan Muqdisho Stadiom oo bilowday

Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa toban sano kadib bilaabay qorshihii ay uga baxi lahaayeen garoonka Kubada Cagta ee Muqdisho Stadiom oo xarun ciidan u aheyd.

Wakiilka gaarka ah ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya Fransisco Madeira ayaa shaaca ka qaaday in uu bilowday qorshaha ka bixitaanka garoonka Muqdisho ciidamada AMISOM.

Waxa uu sheegay Fransisco Madeira in qorshaha ay ciidanka AMISOM uga guurayaan garoonka  kubada cagta ee Muqdisho  uu qayb ka yahay howlaha kala guurka ah ee ciidamada AMISOM.

Madaxa hawlgalka AMISOM ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in mudo kadib garoonka kubada cagta ee Muqdisho uu dib ugu laabto gacanta shacabka Soomaaliyeed dibna garoonka uga bilowdo ciyaarihii lagu qaban jiray.

Ciidamada AMISOM ee deganaa garoonka Muqdisho mudo 10-sano kabadan ayaa bilaabay shalay iyo maanta in ay si tartiib tartiib ah uga baxaan garoonkaasi , waxaana la filayaa in maalmaha soo aadan ciidamada AMISOM si buuxda uga baxaan garoonkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -