Waxyaabaha ugubka ah ee ka muuqda dib u habeynta uu maanta sameeyay Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sameeyay ‘dib u habeyn’ hay’adaha amniga dowladda, waxaana ka muuqda waxyaabo badan oo cusub.

Doorka Haweenka

Madaxweyne Farmaajo ayaa dumar u magacaabay xilal ay ragga inta badan qaban jireen, waxaana ka mid ah agaasimaha guud ee madaxtooyada oo loo magacaabay Dr Aamina Siciid Cali, waxay gabadhan horey u ahayd agaasime ku xigeenka.

Waxaa sidoo kale taliye ku xigeenka booliiska Soomaaliya markii koowaad taariikhda loo magacaabay haweenay, waana Gaashaanle Sare Zakiya Xuseen Axmed oo horay u ahayd sarkaalad sare oo ka tirsan booliiska.

Gabadhan oo qurbaha ka timid, halkaasna wax kusoo baratay ayaa soo shaaxbacday sanado ka hor, iyada oo sanadkii hore loo magacaabay agaasimaha waaxda amniga iyo dariseynta.

Taliyeyaasha Ciidanka

Inkasta oo aysan Soomaaliya lahayn maraakiib iyo gaadiidka badda ee dagaalka, haddane waxa uu madaxweynaha magacaabay taliyaha ciidamadda badda, xilkaas oo loo magacaabay Gaashaanle Sare Xasan Nuur Col-u-joog.

Ma ahan nin wax badan laga yaqaano, gaar ahaan warbaahinta, haddane hawsha loo dhiibay waa mid aad u culus marka laga hadlayo hawsha u taala ee ah dib u asaasidda ciidamadii badda ee Soomaaliya.

Badda Soomaaliya waxaa hadda jooga ciidamo tiro badan oo ka kala socda dalal kala duwan, waxayna sheegaan in ay badweynta ka illaalinayaan kooxaha burcad badeeda iyo dadka dambiyada geysta.

Dhanka kale, madaxweyne Farmaajo waxa uu magacaabay taliyaha xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhe Qarshe). Waxaa xusid muddan in taliyahan uu horey xilkan usoo qabtay.

Waa wax iska caadi ah in taliyeyaasha dib loogu celiyo xil horey looga qaaday marka la eego taariikhda dhow ee magacaabista taliyeyaasha qeybaha kala duwan ee ciidamada Soomaaliya.

Dhalinyarada

Markii koowaad waxa uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka u magacaabay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Odawaa Yuusuf Raage oo horey u ahaa Gaashaanle Dhexe, balse loo dalacsiiyay Sareeye Guuto.

Inkasta oo warsaxaafadeedka madaxweynaha aanan lagu sheegin, waxaa xilkan horey u hayay oo laga qaaday Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood, kaas oo uu magacaabay Farmaajo markii la doortay sanadkii hore. Lama oga halka loo bedelay Caanood.

Dhalinyarada magacaabista soo galay waxaa kale oo ka mid ah Gaashaanle Sare Zakiya Xuseen Axmed oo loo magacaabay taliye xigeenka booliiska Soomaaliyeed sida aan kor kusoo sheegnay.

Inkasta oo uu Odawaa iyo Zakiya yihiin labada qof ee ugu darajada sareeya ee dhalinyaro ah ee ciidanka xil ka qabta, haddane waxaa jira taliyeyaal badan oo dhalinyaro ah oo madax ka ah inta badan hoggaanada dhawr iyo tobonka ah ee ciidanka xoogga dalka uu u qaabaysanyahay.

Xil ka qaadis

Warqadda madaxweynaha kaliya ma ahayn magacaabis, ee sidoo kale waxaa ku jirtay labo xil ka qaadis.

Inkasta oo ay horey suuqa ugu jirtay, haddane waxa waraaqda madaxweyne Farmaajo xilka looga qaaday agaasime ku xigeenkii hay’adda nabad suggida iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Sareeye Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla.

Cabdalle muddo dheer ayuu xilkan hayay, waxaana intii uu joogay xilka agaasimenimada isku badalay taliyeyaal dhawr ah, oo labo jeer oo ka mid ah uu ku xigeen u noqday Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Waxaa xilkan buuxiyay Fahad Yaasiin oo ahaa agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya, kana mid ah shaqsiyaadka ugu saamaynta badnaa Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha xilka ka qaaday Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ahaa taliye ku xigeenka NISA. Cabdiqaadir waxa uu horey u ahaan jiray xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Turkiga, xilka hadda laga qaadayna waa uu ku cusbaa.

Lama sheegin sababta rasmiga ah ee taliyeyaashan xilalka looga qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -