Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo loo fasaxay in ay ka dhoofaan Muqdisho (Sawirro)

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka duushay diyaarad gaar ah oo sida madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Labada Madaxweyne hore iyo xubno kale oo la socda ayaa u duulay dhinaca magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas ay u aadeen in ay gurmad u fidiyaan dadkii fatahaada saameesay sidoo kale soo arkaan xaaladooda.

Diyaaradii qaadi laheyd wafdiga labada Madaxweyne hore hor kacayeen ayaa saacado badan ku xanibneyd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kadib markii loo diiday in ay halkaasi ka dhoofaan.

 

Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa la filayaa marka ay tagaan magaalada Baladweyne in la hadlaan Warbaahinta kana hadlaan xaalada magaladaasi iyo xanibaadii maanta lagu sameeyay.

Madasha Xisbiyada Qaran uu hogaamiyo Sheekh Shariif ayaa lacag badan ugu yaboohday dadka ay saameesay fatahaada wabiga Shabelle ee ku dhaqan nmagaalada Baladweyne, waxaana la filayaa in magaaladaasi gaarsiiyaan lacagta ay ku deeqeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -