Todobaatan jir guursaday gabar 11 sano jir ah iyo falcelin adag oo ka dhalatay

Nin u dhashay gobolka Kano ee dalka Nigeria oo magaciisa lagu sheegay Al-haji ayaa galay caruuskiisa cusub, isagoo 70 jir ah kaasoo gabar 11 jir ah loo guuriyey.

Isaga oo ku difaacaya talaabadan odayga da’da ah waxaa uu sheegay in guurkoodu uu ku dhashay jacayl iyo is-afgarad.

“Iyadu waa dookheyga, waxaan u guursaday sababtoo ah waa is jecelnahay,” ayuu yiri Al-haji.

Dhacdadan oo ah mid naadir ayaa dhaliyay falcelino badan oo dhanka baraha bulshada ah iyadoo dadka intiisa badan ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin falka.

Arrinta kale, yaabka leh ayaa waxay tahay in gabadhan 11 jirka ah ay horey u soo guursatay nin kale oo ay kala tageen, iyadoo Alhaji uu noqonayo qofkii labaad ee guursada.

Kani ma’ahan guur ee waa xad gudub iyo kufsi, waa arin runtii laga naxo oo damiirka saxda uusan aqbali karin” ayuu yiri mid ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada oo arrintan ka falcelinayey, waxaana guurkan uu hadal heyn badan ka dhaliyey dalka Nigeria.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -