Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somalia oo gaaray Laascaanood (Sawirro)

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Hirsi Timacade iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magalaada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Wafdiga ayaa ka kooban Xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Laascaanood.

Masuuliyiintan ayaa kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaladaas.

Waa markii ugu horeysay ee Xildhibaano ka tirsan labada gole ee dowlada Somalia ay booqdaan magaalada Laascaanood.

Labo bilood ka hor suuragaal uma aheyn Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia iney tagaan Magaalada Laascaanood, maadaama Maamulkeeda ay xiligaas gacanta ku heysay Somaliland

Booqashaan ayaa ku soo aadeysa xili magaalada Laascaanood ay muddo bil ka badan ka socdaan dagaalo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC, waxaana magaalada ka qaxay inta badan dadkii noolaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -