Dagaal dhimasho & dhaawac geystay oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dagaal dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa caawa salaadii maqrib kaddib ka dhacay agagaarka xarunta degmada Dayniile, waxa uuna dagaalka dhax maray ciidamo katirsan maamulka degmada iyo ciidamo kale.

Sida xogta ku helay ciidanka dagaalamay waxaa kala hoggaaminayay nin lagu magacaano Maxamed Cabdulle Jaloose (Madoobe) oo katirsan maamulka degmada iyo Ajuuke nin magaciisa lagu sheegay oo kamid ah goofleyda Dayniile.

Dagaalkan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen saddex qof oo katirsanaa ragii dagaalamay ,halka dhowr qof kale oo kale ku dhaawacmeen dagaalka, lamana oga ilaa hadda waxa sababay dagaalka.

Xaalada ayaa yara degan hadda inkastoo ay jirto xiisad kacsan, mana jiro illaa hadda war ku saabsan dagaalkan oo ka soo baxay laamaha amaanka iyo maamulka degmada dayniile.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -