Allbanaadir.com
NEWS

Erdogan oo u sheegay sida looga baahan yahay Saaxiibkiis Putin oo argagax la kulmay

Dalka Ruushka waxaa soo maray saacado kooban oo argagax lahaa, waxaa shaki badan la galiyay awooddii uu lahaa madaxweynaha dalkaasi Vladamir Puntin, kaddib kacdoonkii ay sameeyeen ciidamada calooshood u shaqeestayaasha ah ee Wagner.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rejeb Tayyib Erdogan oo telfoon kula xiriiray dhigiisa dalka Ruushka Vladimir Putin , ayuu ugu baaqay in uu is dejiyo una dhaqmo si caqli-gal ah, si kacdoonka dalkaasi ka bilowday loo dejiyo.

War kasoo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegtay in labada dhinac ay ka wadahadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Ruushka, waxa uuna Erdogan u sheegay Putin in Turkigu uu diyaar u yahay inuu qaybtiisa ka qaato sidii xal nabadeed loo gaari lahaa.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa xariir dhaw la leh madaxweynaha Ruushka, waxa uuna hoggaamiyaha dib loo doortay ee dalka Turkiga kamid ahaa madaxdii ugu horeesay ee xiriirka la sameesay Putin oo galay xaalado adag oo jahwareer ah.

Kacdoonka ay sameeyeen ciidamada hubeesan ee calooshood u shaqeestayaasha Ruushka ee Wagner ayaa meesha ka saaray awooddii uu ku faani jiray madaxweyne Putin, waxaana Ruushka laga dareemay jahwareer iyo cabsi xooggan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Howlgalkii lagu qaarajiyey Hoggaamiyihii kooxda Daacish (Sawirro)

Caydiid Ali

Hanka Siyaasadeed ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo is badalay kadib go,aankii ICJ

Cabdi Cade

Madaxweyne Al Siisi oo marti-qaad u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi culus oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---