Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaar ka mid ah Musharaxiinta aqalka sare ee Jubbaland oo isdiiwaan geliyey (Sawirro)

Guddiga hirgalinta Doorashooyinka Jubaland ayaa bilaabay qabashada codsiyada iyo diiwaangalinta xubnaha musharaxiinta ee u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee Soomaaliya gaar ahaan qaybta Jubbaland.

Guddiga ayaa qaar ka mid ah musharraxiinta aqalka sare guddoonsiiyey shahaadooyinka musharraxnimada.

Ilyaas Badal Gaboose oo u tartamaya kuraasta Aqalka sare ee dalka ayaa noqday musharaxii ugu horeeyey ee isdiiwaan galiya

Xubnaha la siiyey shahaadada musharraxnimo oo gaaraya lix ayaa waxay magacyadooda kala yihiin Ilyaas Badal Gaboose, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Iftiin Xasan Baasto, Abdirisaaq Maxamed Cismaan, Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Maxamed Axmed Sayid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya

Cabdi Cade

Soomaali lagu dilay wadanka Koonfur Afrika iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Xiisadii ka dhalatay qiimaha shidaalka Caalamka oo lasoo afjaray kadib hanjabaadii Trump

Cabdi Cade
Taboola Ads ---