Ra’isul Wasaare Abiy oo Shaaciyay in Xisbigiisa Barwaaqo dhaxda kaga jiro Fadeexad

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaciyay in xisbiga uu katirsan yahay ee Barwaaqo dhaxda kaga jiro fadeexad la xariirta musuq maasuq iyo wax is-daba marin , taa oo keentay dib u dhac balaaran sida uu tilmaamay.

Abiy Axmed ayaa warkan shaaciyay marjii uu soo dhammaaday shir labo maalmood u socday xisbiga Barwaaqo, waxa uuna cadeeyay Abiy musuqa ka dhax jira xisbigiisa caqabad ku tahay horumarkii la hiig sanayey.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in xubno kamid ah hoggaanka xisbiga Barwaaqo iyo xubno katirsan dowladda ku mashquulsan yihiin xatooyo hanti qaran iyo sidoo kale qaadanayaan mashaariicyo musuq lagu helay

Guddida fulinta ee xisbiga Barwaaqo, ayaa ka dalbaday madaxda, xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga, inay bari ka noqdaan dhaca xoolaha dadweynaha, isla markaana ay la dagaalamaan musuq maasuqa.

Xisbiga Barwaaqo uu katirsan Ra’isul Wasaare Abiy ayaa muddooyinkii dambe lagu eedeenayay in ay sameeyeen musuq maasuq iyo awood sheegasho, waxa uuna hadalka Abiy bannaanka keenayaa fadeexada ka dhax jirta hoggaanka xisbiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -