Madaxweyne Trump oo shuruud ku xiray aqoonsiga natiijada doorashada

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu iskaga tagayo Aqalka Cad haddii Guddiga nidaamka ergada doorashada ay caddeyaan in Joe Biden uu yahay midka ku guulaystay Doorashada dalka Maraykanka.

Trump ayaa horay u diiday inuu aqbalo guuldaradii ka soo gaartay doorashadi la qabtay 3 Bisha November, isagoo sheegay in doorashada laga shubtay uusana aqbali doonin in laga guulastay.

Arintan ayaa u eg mid muujinaysa in Trump uu soo debcay, uuna aqoonsan doono in laga guulaystay Doorashada.

Codbixiyeyaasha nidaamka ergada doorashad ayaa kulmi doonaan bisha soo socota si ay cod rasmi ah uga dhigaan, iyadoo Dimuquraadiga Joe Biden loo dhaarin doono xilka madaxweynenimada 20-ka bisha Janaayo.

Donald Trump iyo taageerayaashiisa ayaa dacwado dhowr ah oo dhanka sharciga ah u gudbiyey doorashada, laakiin badankood waa la diiday, maadaama aysan jirin cadeymo buuxa oo loo hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -