Allbanaadir.com
NEWS

Faransiiska oo taageeraya Denmark si Mareyakanka uusan u qabsan Greenland

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa marar badan ku celiyay in uu doonayo in Mareykanka ku biito Jaziiradda Greenland ee hoostagta Denmark, taas oo caro badan dhalisay si weyna uga soo horjeedo dowladda Denmark.

Ciidamo badan oo katirsan milatariga Denmark ayaa la geeyay Jaziiradda Greenland , si ay uga hortagaan in Mareykanka halkaasi qabsado, waxa ay sidoo kale dowladda Denmark raadineysaa taageerada dowladaha Yurub si looga difaaco dulmiga uu Trump ku wado.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jean-Noël Barrot ayaa sheegay in Faransiisku uu kala hadlay Denmark, suurta galnimada in ciidamo la geeyo Greenland, si looga hortago hanjabaada Trump ee la xiriirta inuu doonayo inuu Greenland ku biiriyo Mareykanka.

Waxa uu sheegay Wasiirka , in dhankooda diyaar u yihiin in ay taageero milatari siiyaan Denmark haddii ay dalbadaan, waxa uuna intaa raaciyay in dowladda Denmark, ka gaabsatay hab militari inay Yurub u joojiso damaca Madaxweyne Trump.

Qaar kamid ah waddamada kale ee Yurub, ayaa sidoo kale taageero iyo garab istaag u muujiyay dowladda Denmark oo hadda wajaheysa cadaadis kaga imaanaya Madaxwenaha Mareykanka Trump, oo doonaya in Mareykanka ku biiriyo Jaziiradda Greenland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo lagu hoobtay oo ka dhacay Masaajid lagu tukanayey Salaada Jimcaha (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Putin iyo Maxamed Bin Salman oo kawada hadlay Arrin Muhiim u ah Adduunka

Cabdi Cade

(Faahfaahin) Nin Yuhuudi ah oo lagu dilay Magaalada Abu Dhabi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---