Duqa Muqdisho oo gooray magaalada Riyaad iyo Ujeedka safarkiisa oo la shaaciyay (Sawirro)

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa gaaray Magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Saudi Arabia, halkaas oo uga bilaawday booqasha rasmi ah oo uu ku joogi doono muda dhowr cisho ah.

Madax ka socotay dowladda hoose ee Riyaad iyo Safiirka Jamhuuriyada Soomaaliya u jooga dalka Saudi Arabia ayaa Magaalada Riyaad kusoo dhaweeyay guddoomiye Madaale iyo Wafdigiisa oo uu kamid yahay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho iyo boqorka Magaalada Riyaad oo la filaayo in dhawaan ay kulan rasmi ah wada yeeshaan ayaa kawada hadli doono xoojinta iskaashiga iyo wax wadaaga ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Riyaad.

- Advertisement -