Somaliland oo lagu eedeeyay in ay dileen Maxaabiis ay ku qabteeb dagaalka Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa shalay ka dhacay dagaal culus oo dhiig badan ku daatay, dagaalka shalay ayaana ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ku kala qabsadeen maxaabiis iyo gaadiid dagaal.

Isimada gobolka Sool ayaa ku eedeeyay ciidamada maamulka Somaliland in ay dileen qaar kamid ah maxaabiistii ay shalay ku qabteen dagaalkii cuslaa ee ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood .

Afhayeenka guddida cuqaasha ka kooban 33-da xubnood ee Laascaanood ku sugan Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland in ay dileen qaar kamid ah maxaabiistii ay dagaalka ku qabteen.

Waxa uu sheegay afhayeenka in dhankooda dagaalkii shalay iyo dagaaladii hore ku qabteen tiro maxaabiis ah, waxa uuna cadeeyay in maxaabiista ay hayaan si wannaagsan ula dhaqmeyn , balse Somaliland dishay maxaabiis gacantooda galay.

“Maxaabiistu waa jirta baraha bulshadana waanu lasoo wadaagi doonaa, ragii waxay qabteen oo ay meesha kasoo daynayeen in ay badan koodii laayeena waa la haya” ayuu Gaylan Media u sheegay Caaqil Falaalug.

Maamulka Somaliland ayaan dhankooda ka jawaabin maxaabiista la sheegay in ay dileen, waxaana labada dhinac horey hawada isugu maruyeen eedeemo kala duwan oo ku aadanaa shacab iyo maxabaiis la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -