Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hotel yaab leh oo laga hirgeliyey dusha sare ee buuraha Swis Alps (Sawirro)

Weligaa ma ku fekertey inaad seexatid hotel ku yaalla buur dusheeda, taasoo cabirka joogeedu uu ka sareeyo heerka badda 6,463 feet.

hotelkan oo lagu magacaabo Null Stern ayaa ku yaalla buuraha caanka ah ee Swiss Alps, wuxuuna leeyahay keliya sariir banaanka ku diyaarsan balse malahan qolal.

Habeenkii waxaad ku seexanaysaa lacag dhan $210 Doolar ah, waxaa taas ka sii daran hotelka mar walba waa buuxaa inaad hesho ayaaba ciriiri ah wuxuuna leeyahay macaamiil badan.

Hotelkan oo la dhisay sanadkii 2017 ayaa waxaa inta badan taga dadka aan jecleyn buuqa iyo sawaxanka magaalooyinka ee doonaya iney nastaan, isla markaana jawi degan oo neecow leh habeenkii.

Musqusha kuugu dhow waxay u jirtaa 10-daqiiqo. Qolku wuxuu ku yaal buuraha Graubünden ee Switzerland, wuxuuna siinaya martida muuqaal cajiib ah oo ka mid ah meelaha ugu sarreeya iyo dooxooyinka Alps si ay ugu soo toosaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo Amar siiyay Madax qeybeedyada golaha shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka oo wadahadal xasaasi ah yeeshay

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo saakay lagu fuliyay Labo nin oo magaalada Muqdisho dilal ka geestay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---