Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Turkiga oo qaadaya talaabo ka dhan ah ajaaniib ay Soomaalidu ku jirto

Turkiga ayaa sheegay inay dalkooda ka saarayaan in ka badan hal milyan oo qof oo ah soo-galooti u dhashay Suuriya oo aan sharci rasmi ah ku joogin dalkaasi.

Sidoo kale mas’uuliyiinta socdaalka ee Turkigu waxay bilihii ugu dambeeyay qaadeen ololeyaal lagu beegsanayo dadka Afrikaanka ah ee ay Soomaalida ku jirto ee ay sharciyadii ka dhaceen balse wali dalka gudihiisa sii jooga iyo kuwa ku soo galay hanaan sharci darro ah.

Cabdulcasiis Cawil Maxamuud oo madax ka ah urur lagu magacaabo Iskaashiga Soomaalida Turkiga oo xaruntoodu tahay Magaalada Ankara ayaa sheegay in tallaabada dadka lagu musaafurinayo ay ka jirtay dalka Turkiga in muddo ah

Madaxda tartameysay doorashadii ka dhacday dalka Turkiga ayuu sheegay in qaarkood ay ku ololeeyeen in dalka laga saaro dadka ajaaniibta ah oo culeys dhaqaale iyo mid bulsho ku haya wadankaas.

Wuxuu sheegay in Madaxda Turkiga ay horay u musaafurisay dad kasoo jeeda dalka Siiriya, kuwaasoo aan shacri heysan, sidoo kalena la filayo in dad badan oo Soomaalida ka mid tahay laga musaafuriyo dalkaas gaar ahaan kuwa sharci darada ku jooga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Baaq Muhiim ah u diray Abwaanada Soomaaliyeed (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Somaliland oo Cafis u fidisay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Somalia

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Wakiilka IGAD ee Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---