Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxay ahaayeen dhalinyarada Soomaalida ee lagu soo dhoweeyey Belgrade?

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade Serbia waxaa ay si buuxda u soo dhaweysay arday Soomaaliyeed oo ku guuleysatay deeqda waxbarasho ee Dowladda Serbia ay siisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Deeqdan waxbarasho ee “WORLD IN SERBIA” ayaa ku timid kadib, dib u soo celinta xiriirka labadda dal ee sida xowliga u socda iyo kaalinta wanaagsan ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Magaaladda Belgrade ay ka cayaareyso xiriir wanaaga labada dal.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si buixda uga mahad celisay fursada qaaliga ah ee siiyay dhalinyaradda mustaqbalka Soomaaliyeed.

Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade ayaa mar walba u taagan xoojinta xiriirta labada dal iyo fulinta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa u Mahadcelinayaa Wasaaraddaha arimaha dibadda iyo Waxbarashadda.

Sidoo kale Danjiraha ayaa u rajeynaya dhalinyaradda fursadda u heley fursadda waxbarasho oo ay nasiibka u heleen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Halka laga keenay ciidankii Milateriga ee shalay galay Xarunta golaha shacabka oo la ogaaday

Caydiid Ali

Somaliland oo go’aan geesinnimo leh ku tilmaantay heshiiskii ay Itoobiya la galeen

Cabdi Cade

Faahfaahin: Nin toorey ku hubeysan oo dhimasho & dhaawac ka geystay Birmingham

Caydiid Ali