Qarax bur buriyay guryo kuyaala xaafad kartirsan magaalada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Waxaa xalay saqdii dhaxe qarax xooggan oon ilaa hadda la ogeyn waxa uu ahaa  ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka xarunta hayádda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ee kutaalla guriga Shaqaalaha.

Qaraxan oo loo maleenayo in uu ahaa miino ayaa bur buriyay guryo kuyaalla halka uu ka dhacay, lamana soo sheegin ilaa hadda khasaaro nafeed oo ka dhashay qaraxan xalay ka dhacay xaafada Siigaale,

Jugta qaraxan ayaa xalay si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho, waxa uuna qaraxan dhacay xillio dagaal xalay ka socday xaafado katirsan degmada Kaxda oo weerar ku qaadeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo ka socday CID-da ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan wali la ogeyn natiijada kasoo baxday.

Laamaha ammaanka ayaana wali ka hadlin qaraxan xalay ka dhacay xaafada Siigaale degmada Hodan, walina lama oga in qaraxa loogu tala galay guriga uu dhinaciisa ka dhacay iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -