Faahfaahin: Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya oo saaka la weeraray

Dabley hubeysan oo la aaminsan yahay iney ka tirsan yihiin Al shabaab ayaa saaka waaberigii weeraray xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia oo ku taalla wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo bambooyin iyo qoriga baasuukaha oo lagu tuuray dhismaha Wasaaradda Gaashaandhiga gaar ahaan bar control oo laga ilaaliyo xaruntaas.

Goob-joogayaal halkaas ku dhow ayaa sheegay in qaraxyada ka dib uu bilowday iska horimaad toos ah oo dhexmaray ciidamada dowlada iyo dableyda weerarka soo qaaday, iyadoo agagaarka Xarunta wasaarada Gaashaandhiga laga maqlay rasaas muddo kooban la isweydaarsanayey.

Xaalada ayaa hadda degan, iyadoo ciidamada dowladu ay xoojiyeen amaanka xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka mid ah heyadaha ugu muhiimsan dowlada

Lama oga illaa khasaaraha nafeed ee labada dhinac ka soo gaaray iska horimaadka ka dhacay Wasaarada gaashaandhiga Somalia oo ku soo aaday xili dhowaan ciidamada DF ay gacanta ku dhigeen dabley hubeysan oo weerarkan oo ku qaaday xarunta isla Wasaaradan, kuwaasoo haatan sugaya in la soo taago Maxkamad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -