Raila Odinga oo weli ku dhegan Madaxweyne William Ruto, baaq cusubna soo saaray.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku dhawaaqay fasax dadweyne oo maalinta Isniinta ah ee 20-ka bishan ka dhaqangalaya dalka Kenya, waxaana hadalkan uu jeediyay xilli uu la hadlayay taageerayaashiisa.

Dalka Kenya, wali waxaa kasii socda dibadbaxyada ay dhigayaan masuulyiinta xisbiga Azimio iyo taageerayaashiisa kaasoo doorashadii sanadkii hore looga adkaaday, balse dhowaan shaaciyay inay qaaddaceen natiijada doorashada oo aysan Madaxweyne Ruto u aqoonsanayn Madaxweyne.

Wasiirka Difaaca Kenya Aden Barre ayaa sidoo kale sheegay in Raila uu doonayo in laga qeybgalayo dowladda Madaxweyne Ruto balse ay iyagu diidan yihiin.

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa taageertay sanadkii hore natiijada doorashadii uu ku dhawaaqay guddiga doorashada Kenya, taasoo ay ku sheegeen in William Ruto ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Kenya.

Maxkamadda ayaa diiday xiligaas dooddii Ra’isul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo ku eedeeyay in Ruto ku shubtay doorashadii dhacday 9-kii Ogosto.

Go’aankan ayaa soo afjaray hubanti la’aan siyaasadeed oo toddobaadyo ka jiray Kenya, waxayna uu dhabarjab ku noqotay musharraxa mucaaradka Raila Odinga oo ilaa hadda rumeysan la’ doorashadii looga guuleystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -