Dagaal maalintii 6aad ka socda Laascaanood xili Somaliland ku dhawaaqday xabad joojin

Rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn ayaa saaka laga maqlayaa Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasoo ay maalintii lixaad ku dagaalamayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC.

Dagaalka xoogiisa ayaa saaka ka socda duleedyada Magaalada, iyadoo ciidamada Somailand ay duqeyn ku hayaan bartamaha Magaalada Laascanood o inta badan laga qaxay.

Mid ka mid ah madaafiicda saaka ayaa ku habsaday xarunta Caafimaadka ee Gargaar oo ku taalla magaalada gudaheeda, waxaana la soo werinayaa inuu ku dhintay hal qof.

Dagaalka saaka mar kale qarxay ayaa ku soo aadaya xili Wasiiro ka tirsan Somaliland xalay saqdii dhexe ku dhawaaqeen xabad joojin hal dhinac ah, iyagoo ku baaqay wadahadak lagu xalinayo dagaalka.

Inkastoo aysan jirin jawaab rasmi ah oo ka soo baxday dhinaca ciidamada SSC hadana odayaal ka tirsan degaanka ayaa laga soo xigtay in xabad joojinta Somaliland ku baaqday ay tahay mid boor isku qaris ah oo aan waxba ka jirin, isla markaana wadahadal iyo xabad joojinba ay iman karaan marka ciidamada Somaliland ka baxaan gobolka Sool.

Ugu yaraan 70 qof  oo ay ku jiraan shacab ayaa ku naf waayey dagaalka ka sii socda magaalada Laaascaanood halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad labo boqol oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -