Mataanayaal wacdaro ka dhigay natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland

Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa shaacisay natiijada imtixaanka fasalka 12aad ee degaanada hoos taga Maamulkaas kaasoo ay u fariisteen ku dhowaad 6 kun oo arday.

Imtixaanka waxaa kaalinta koowaad galay arday lagu magacaabo C/llaahi Saciid Salaad oo dhigta iskuulka Salaaxudiin ee magaalada Boosaaso.

Hase ahaatee arrinta xiisaha leh ayaa waxay tahay Mataanayaal u qeybsan labo wiil iyo labo gabdhood ayaa wacdaro ka dhigay natiijada imtixaanka iyagoo soo wada galay 10 arday ee ugu dhibcaha badan.

Abdullahi Axmed Maxamuud iyo Abdiwaaxid Axmed Maxamuud oo ah Mataano wada dhashay ayaa ka mid ah sanadkan 10-ka arday ee ugu sareeyay Dugsiyada sare ee Puntland.

Cabdullaahi Axmed Maxamuud kaalinta labaad ayuu galay, halka walaalkii Cabdiwaaxid Axmed Maxamuud uu isna galay kaalinta lixaad.

Sidoo kale Samsam Cabdiweli Bashiir iyo Saabiriin Cabdiweli Bashiir oo iyaguna ah laba gabdhood oo mataano ah ayaa waxay kala galeen kaalimaha 4-aad iyo 10-aad ee imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland

.Puntland waa dowlad goboleedka kaliya qaab ka madax banaan Wasaarada Waxbarashada dowlada Somalia u qaada Imtixaanka dugsiyada ku yaalla degaanada hoos yimaada, iyadoo arrintaas ay horey muran badan uga dhex dhalisay DF iyo Puntland.

 

- Advertisement -