Gabar arin Mucjiso ah ay heesato oo lagu arkay Gobolka Baay 

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa dhawaan lagu arkay gabar arin mucjiso ah oo nuuceeda aan horey loo arag heesato, waxaana arintan fajac ku noqotay dhamaan intii maqashay ama aragtay.

Gabar dhalinyaro ah oo ka timid degmada Berdaale kuna sugneyd magaalada Baydhabo ayaa lau arkay arin mucjiso ah, waxaana gabadhan korkeeda ka kacaya dab kaas oo gubaya guryaha iyo baabuurta.

Sida aan wararka ku helnay gabadhan oo Baydhabo usoo aaday ninkeeda oo kunool ayaa la sheegay guri kasta ay tagto in uu qabsanayo dab korkeeda ka kacaya, waxaa sidoo kale dab uu qabsaday gabadhan dhibanaha ah gaari ay raacday .

Gabadhan ayaa markii dambe isaga carartay magaalada Baydhabo waxa ayna lug ku tagtay degmada Berdaale oo markii hore ka timid, waxaana adkaatay in gaari ay raacdo maadaama gaari kasta ay raacdo uu dab qabsanayo sida la sheegay.

Taliyaha Saldhiga Degmada Bardaale Ibraahim Roobow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan gabadhan korkeeda uu dabku ka kacayo ayna dadku layaaban yihiin dhibka gabadhan heesta.

Waxa uu sheegay taliyaha in gabdhan uu korkeeda ka kacayo dab iyo holac, waxa uuna intaa raaciyay in dhoor guri oo gabdhan la geeyay ay dhamaantood uu dab qabsaday sidoo kale hadii ay gaari raacdo uu dab qabsanyo.

”  Marka dabku ka kacayo Gabadha waxay tiri culeys ayaa isoo saarmaya, kadibna dhimbilo holac ah ayaa ka firdhaya korkeeda, kaasi ayaa gubaya dhamaan meesha ay joogto, ha ahaado Guri ama Baabuur, Dabkaasi iyada wax ma gaarsiinayo ee waxa uu gubayaa guryaha iyo gaadiidka ” Ayuu yiri Ibraahim Roobow

Arintan heesata gabadhan Soomaaliyeed ayaa aad looga hadal hayaa magaalooyinka Baydhabo iyo Berdaale, waxa ayna dadku garan la yihiin wax lagu sifeeyo dhibaatada gabadhan heesata.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -