Mdaxweyne Farmaajo oo booqasho xasaasi ah beri ku tagaya dalka Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Maxed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa maalinta barri ah inay u ambabaxaan dalka Jabuuti.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in safarka Madaxweynuhu uu ku qotoma xoojinta xiriirka soo jireenka ee labada dal, horumarinta iskaashiga iyo wada jirka labada dowladood.

“Booqashadan inta lagu guda jiro, Madaxweynuhu waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadli doonaan  xiriirka xoogan ee u dhaxeeya labada waddan iyo labada shacab ee walaalaha ah iyo sidii loo xaqiijin lahaa danaha wada jirka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

Sidoo kale, Madaxda Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa iska xog wareysan doona xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii dawladda Jabuuti ay si caro leh uga jawaabtay codsi uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyey magaalada Asmara, kaasoo ahaa in Eritrea laga qaado cunaqabatayn saarnayd ku dhowaad 10 sano, iyadoo Jabuuti iyo Eritreya uu ka dhexeeyo muran dhinaca dhulka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -