Madaxweyne Joe Biden oo Laalay Wareegtooyin iyo Amaro uu horey usoo saaray Trump

Joe Biden oo shalay loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynaha 46 aad ee Mareyakanka isagoo si rasmi ah ula wareegay xafiiska Aqalka Cad ayaa saacado un kadib dhaartiisa saxiixay wareegtooyin Madaxaweyne oo uu ku laalay wareegtooyin hore uu u dhaqangaliyay Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Trump.

Madaxweynaha cusub wareegtooyinka uu saxiixay waxaa kamid inuu hakiyay xayiraaddii safar ee Madaxweynihii hore ee Trump uu kusoo rogay 7 waddan oo kamid ah dalalka Muslimiinta oo Soomaaliya ay kujirto in doodkooda ay u socdaalaan Mareykanka.

Amarkan ayaana dad badan u dhashay dalalka xayiraadda lagu soo rogay si weyn u saameeyay afartii sano ee lasoo dhaafay.

Waxuu joojiyay darbigii Trump uu ka dhisayaay xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico.

Waxuu sidoo kale Mareykanka dib ugu celiyay heshiiskii cimilada ee Paris, isagoo dib uga laabtay xeerarkii uu Trump ku qafiifiyay wasaqoyga hawada.

Joe Biden ayaa wareegtooyinka uu soo saaray dhaartiisa kadib waxaa kamid ah, inuu qasab uga dhigay qof kasta oo galaya dhismayaasha dowladda federalka ee Mareykanka inay soo xirtaan Mask wajiga lagu xirto, taas oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Coronavirus iyo qodobbo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -